Axad
05, Sebteembar 2010

Navigation


Print this pagePrint this page

Home

22.06.2009

Alif Hingaad-saxe


Hingaad-saxahii ugu horeeyay ee afka-Soomaaliga oo la soo bandhigay.
Category: General
Posted by: mimursal

Hingaad-saxaha afka-Soomaaliga (Somali spell checker)

Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan mujtamaca qora afka-Soomaaliga ugu bishaareyneynaa in uu soo baxay hingaad-saxahii (Spell checker) ugu horeeyay ee afka-Soomaaliga. Hingaad-saxahaas oo lagu isticmaali karo barnaamijyada kumbuyuutarada sida, OpenOffice iyo Mozilla (sida Firefox). Labada barnaamij iyo hingaad-saxahaba waa barnaamijyo ay xuquuqdooda fasaxan tahay (Open Source, Copyright free). Barnaamijyada ay xuquuqdooda fasaxan tahay waxaa isticmaali karo qof walba, mana loo baahna in la bixiyo wax lacag ah.

Wixii dheeraad ah waxaa ka helikartaa meeshaan. Warsaxaafadeed ku saabsan soo bixitaanka Hingaad-saxaha asaga oo ah nooca html iyo PDF



Next page: Higgaad-saxe