Navigation
Higgaad-saxe
Alif Higgaad-saxe (Alif spellchecker)
Baahida loo qabo hingaad (Higgaad) -saxe afka-Soomaaliga iyo kaalinta uu ka cayaari karo horumarinta afka-Soomaaliga iyo weliba kaalmada uu ka geysan karo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Qoraallada laga helo internetka waxay ku qoran yihiin afaf kala geddisan (kala duwan), waxaana ugu badan afka-Ingiriiska. Bogagga ku qoran afka-Soomaaliga oo intooda badan la'xiriirra wararka Soomaaliya ayaa ku soo kordha Internetka maalin walba. Waxaa jirta in qoritaanka afka-Soomaaliga uu da' yaryahay taasina ay keentay in erayada (ereyada) si aanan sax ahayn loo qoro.
Waxaa jirta carruur Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibaddiisa iyo gudahiisaba oo aanan helin fursad ay ku bartaan qoraalka afka-Soomaaliga. Ummadda Soomaaliyeed intooda fursadda u hesha in ay akhristaan qoraal ku qoran afka-Soomaaliga waxay ka helaan Internetka.
Mozilla
Alifzilla waa higgaad-saxe afka-Soomaaliga oo loogu talagalay in lagu isticmaalo qoraallada gudaha (Inline) ee sahmiyaha Firefox (Browser:ka). Higgaad-saxahaan wuxuuna ka mid yahay barnaamijyada yaryar ee loo yaqaano Mozilla add-ons.
- Higgaad-saxaha "Alif-Spell checker" (caddadka ugu dambeeya) waxaa laga heli karaa bogga addons.mozilla.org, meeshaan. Hadii uu soo baxo caddad cusub waxaa laga ogaan karaa isla barnaamijka Firefox kudahiisa.
Barnaamijka Mozilla firefox waxaa laga soo dejinsan karaa bogga Mozilla.com
OpenOffice
Higgaad-saxe loogu talagalay in lagu isticmaalo barnaamijyada OpenOffice:ka (Wuxuu u dhigmaa midka Microsoft Office:ka), waana mid fasaxan oo aan u baahnayn wax lacag ah.
- Higgaad-saxaha "Alif-Spell checker" (caddadka ugu dambeeya) waxaa laga heli karaa bogga extensions.services.openoffice.org, meeshaan. Haddii uu soo baxo caddad cusub waxaa la ogaan karaa barnaamijka Openoffice:ka gudahiisa.
Barnaamijka OpenOffice waxaa laga soo dejinsan karaa bogga Openoffice.org
Si aad barnaamijka OpenOffice:ka ugu darto higgaad-saxaha afka-Soomaaliga, waxaad sameyn kartaa in aad marka hore furto barnaamijka ka dibna aad furto faylka aad dejisatay. Wixii daadihin dheeraad ahna ka fiiri fidiyowyada. Wixii su'aalo ama talooyin ah ku soo hagaaji e-boostada mimursal (@) gmail.com.
Fidiyow
Fidiyowyada la xiriira qaybtaan waxaa laga heli karaa linkiyada hoose ama bogga fidiyowyada. Linkiyada hoose waxay ku gudbindoonaan bogga Youtube oo aad ka daawan karto.
Keydinta higgaad-saxaha qaybtii 1aad (21 Juun 2009) Youtube.
Keydinta higgaad-saxaha qaybtii 2aad (21 Juun 2009) Youtube.
Openoffice-ka iyo adeegsiga Higgaad-saxaha afka-Soomaaliga (5 Luuliyo 2009) Youtube.
Previous page: Home
Next page: Daadihiyeyaal fidiyowyo ah

Print this page